Saturday 24 April 2010

Guddiga Dabagalka Sharmoc Oo Cambaareeyey Falkii lagu Laayey Shaqaalaha Dhismaha Ka Dalbadyna Dowladda KMG ah iyo Kooxaha Islaamiyiinta in Maxkamad la




War Saxaafadeed Lagu Camaareynayo Qoorgooyadii Loo Gaystay Shaqaale Dhisme oo ka Howlgalayey Magaalada Muqdisho

Ref: Sharmoc2111009

Date:15 April 2010

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu Cambaareynayaa Walaac iyo Argagaxna ka Muujinayaa Falkii Dhawaan lagu Xasuuqay 5 kamid ah Shaqaalaha Dhismaha ee ka Howlgala Magaalada Muqdisho kuwaasoo si arxan darro ah loo laayey.

Dadkan la laayey ayaa waxaa maydkooda oo Madaxyada laga jaray Waxaa lasoo dhigay Qubuuraha Barakaaat ee Degmada Huriwaa, halkaas oo ah goob ay ka taliyaan Kooxaha Islaamiyiinta gaar ahaan Al-Shabaab oo falal caynkaan oo kale ah horey uga fuliyey Magaalada Muqdisho iyo gobalada Dalka qaarkood, waxaana shantan qof ee la dilay dilkooda loo adeegsaday qoorgooyo taasoo markii la helayey Maydadkaas oo gacmaha iyo Lugaha ka xiran ay ahaayeen kuwa Madaxyadu agyaaliin.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed ee Sharmoc oo baaris ku sameeyey falkaaan ayaa xaqiijinaya in 5-ta nine e la dilay ay ahaayeen shaqaale ka shaqaynayey dhismaha Guriga Umadda ee Xarunta ah u ah Baarlamanka KMG ah ee Somalia, waxaana ehelada dadka si arxan darada ah loo dilay ay sheegeen in dhowr jeer ay yimaadeen aqlada raga la dilay rag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, hase ahaatee aanay u suurta gelin in ay helaan, waxaanse markii dambe la helay mid kamid ah shaqaalahaas oo bixiyey Macluumaadka halka ay ku sugan yihiin dadkaas.

Mid kamid ah Xaasaska Ragga la dilay oo Magaceeda aan uga tagnay sababao la xiriira Ammaankeeda ayaa inoo xaqiijisay in ay wada garanaysay dhamaan dadka lala dilay ninkeeda sababtuna ay tahay in ay nolol maalmeedkooda kasoo dhacsanayeen dhismaha Baarlamanka KMG ah ee Somalia oo haatan dhamaaday, waxaana inta badan ragga la dilay ay ka tageen Caruur yaryar oo aan cid kale u maqneyn.

Xogta uu helay Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee Sharmoc ayaa tibaaxaysa in raggan intii aan la dilin ka hor la geeyey xarumo ay ku sugnaayeen Saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab ee Xaafadaha Dayniile iyo Suuqa Xoolaha taasoo lagu macneeyey Maxkamad degdeg ah, waxaaana maalmo kadib maydkooda laga helay meel aan sidaas uga fogeyn Qubuuraha Al-Barakaat.

Dadka la dilay aya aloo dilay Xirfadooda shaqo maadaama ay ahaayeen dad xoogooda uga maarmaay falal ay ku mutaysan lahaayeen ciqaabo haddii ay geli lahaaayeen sida Tuuganimo, dhac iyo waxyaabo kale, iyadoo la ogyahay shaqaalaha dhismaha ama kuwa qabta adeega guud in ay yihiin kuwa u siman dhamaan umadda oo shaqadaas u qabta hadba ciddii doonaysa shaqo, waxayna cabsi horleh ku abuureysaa dadkii xirfadooda shaqo ku xoogsan jiray.

Dhacdadaan foosha Xun oo aan ahayn markii koowaad ee ay ku dhacdo shaqaale farabadan oo ka tirsanaa Hay’adaha Samafalka, NGO-yada Adeegyada Bulshada iyo Shaqooyinka Dowladdu Bixiso yuu Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc ku eedeynayaa in aan Dowladda KMG ah ee Somalia aysan ka qabanin wax muuqda sugida Ammaanka gaar ahaan dadka aan ka dhalan qabiilooyinka Hubaysan, waxaana Dowladdu ku guuldareysatay in ay dadkii ay shaqada u dirsatay in ay si nabad ah u samata bixiso.

Waxaa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanuha Sharmoc ugu baaqayaa Dowladda KMG ah, Ururka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ugu baaqayaa in ay si hufan u baaraan dhacdadaan xanuunka badan ee waxashnimo ee liddiga ku ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Diinta Islaamka iyo dhaqanka uuban ee Somalida waana in dadkii ka dambeeyey Maxkamad lasoo taago, taasoo haddii ay ka baaqasadaan ay noqon doonaan kuwa lagu xisaabiyo lagunasoo taago Maxkamad caalami ah.

Ugu Dambeyn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu uga digayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Somalia in ay ixtiraamaan Xeerarka Caalamiga ah oo aysan ku xadgudbin xuquuqda dadka aan qaybta ka ahayn isjiijiidka siyaasadeed ee u dhexeeya.

Wabilaahi Towfiiq

Abdurahman Sheikh Hassan Gacal

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)

London, United Kingdom

Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com

Monday 25 January 2010

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Boobka loo gaystay Qalabkii Hay’adaha WHO iyo Badbaada Ubadka ee B/weyne

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Boobka loo gaystay Qalabkii Hay’adaha WHO iyo Badbaada Ubadka ee B/weyne

____________________________________________________________________________________

Ref: Sharmoc1311009 Date:23 January 2010

____________________________________________________


Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxaa uu si kulul u cambaareynayaa Kooxaha ka dambeeyey boobka iyo dhaca loo gaystay Xarumaha Hay’adaha Samafalka ee kalaha ah WHO iyo Badbaadada Ubadka ee Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la xaqiijiyey in ay gudaha u galeen Xarumaha Hay’adaha WHO ee Caafimaadka iyo Save The Children, kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta Magaaladaas gelinkii hore ee Shalay, waxaana la xaqiijiyey in ay halkaas kala bexeen Qalab isugu jira Computarro, Hubka nooca fudud ee lagu waardiyeyn jiray Xarumaha Hay’adahaas iyo dhamaan wixii agab yiilay oo aysan waxba ka tegin.



Hadal kaasoo baxay Hay’adda WHO oo la xiriirtay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in aan xafiisyadaas waxba looga tagin oo kooxihii gudaha usoo galay ay rarteen dhamaan wixii yiilay jirdilna u gaysteen Shaqaalihii iyo waardiyihii joogay Xarumaha Hay’adaha WHO iyo Save the Children, waxaana laba hay’adood ay ahaayeen kuwa caawinayey Cisbitaalka Magaaalada B/weyne qaybtiisa guud iyo Qaybta Caruurta iyo Dhalaanka.



Boobkaan ayaa ahaa mid loo bareeray waxaana albaabada qaar lagu jebiyey afka hore ee Gawaarida dagaalka, iyadoo qalabka noocyadiisa kala duwan ee hay’aduhu ku shaqaynayeen la arkayey in Kooxaha weerarka aha ay ku guranayeen Gawaarida ay wateen, waxaa sidoo kale kamid ahaa agabkii halkaas laga dhacay Gawaari u shaqaynayey hay’adda oo qaarna dad Somalia lahaaa qaarna ay ahaayeen kuwa milki aahaan hay’addu lahayd.



Haddaba Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc), waxa uu ugu baaqayaa kooxaha Boobay hantida hay’adaha Samafalka ee u gargaarayey Shacabka Soomaaliyeed in ay dib ugusoo celiyaan qalabkaas oo dhamaystiran isla maarkaana badqaba, waxaa kaaloo ay ugu baaqaysaa Kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne in ay ixtiraamaan Samafalayaasha iyo Hay’adahaba si ay u suurta gasho in la caaawiyo Shacabkaa Tabaalaysan.



Ugu Dambeyntii Guddiga dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomalaiyeed (Sharmoc) waxa uu uga digayaa Kooxaha Dagaalada ka wada guud ahaan Dalka Somalia ee xilli walba ay dhibaato gaarsiinayaan Shacabka aan ku lug lahayn Dagaalada Sokeeye in ay ogaadaan in falalka ay samaynayaan uu yahay mid ka dhan ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida, uuna jiri doono maaalin ay soo hor istaagayaan cadaaladda.


Wabilaahi Towfiiq

Abdurahman Sheikh Hassan

Madaxa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)

Mogadishu, Somalia

Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com