Monday 25 January 2010

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Boobka loo gaystay Qalabkii Hay’adaha WHO iyo Badbaada Ubadka ee B/weyne

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Sharmoc oo Cambaareeyey Boobka loo gaystay Qalabkii Hay’adaha WHO iyo Badbaada Ubadka ee B/weyne

____________________________________________________________________________________

Ref: Sharmoc1311009 Date:23 January 2010

____________________________________________________


Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxaa uu si kulul u cambaareynayaa Kooxaha ka dambeeyey boobka iyo dhaca loo gaystay Xarumaha Hay’adaha Samafalka ee kalaha ah WHO iyo Badbaadada Ubadka ee Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la xaqiijiyey in ay gudaha u galeen Xarumaha Hay’adaha WHO ee Caafimaadka iyo Save The Children, kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta Magaaladaas gelinkii hore ee Shalay, waxaana la xaqiijiyey in ay halkaas kala bexeen Qalab isugu jira Computarro, Hubka nooca fudud ee lagu waardiyeyn jiray Xarumaha Hay’adahaas iyo dhamaan wixii agab yiilay oo aysan waxba ka tegin.



Hadal kaasoo baxay Hay’adda WHO oo la xiriirtay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in aan xafiisyadaas waxba looga tagin oo kooxihii gudaha usoo galay ay rarteen dhamaan wixii yiilay jirdilna u gaysteen Shaqaalihii iyo waardiyihii joogay Xarumaha Hay’adaha WHO iyo Save the Children, waxaana laba hay’adood ay ahaayeen kuwa caawinayey Cisbitaalka Magaaalada B/weyne qaybtiisa guud iyo Qaybta Caruurta iyo Dhalaanka.



Boobkaan ayaa ahaa mid loo bareeray waxaana albaabada qaar lagu jebiyey afka hore ee Gawaarida dagaalka, iyadoo qalabka noocyadiisa kala duwan ee hay’aduhu ku shaqaynayeen la arkayey in Kooxaha weerarka aha ay ku guranayeen Gawaarida ay wateen, waxaa sidoo kale kamid ahaa agabkii halkaas laga dhacay Gawaari u shaqaynayey hay’adda oo qaarna dad Somalia lahaaa qaarna ay ahaayeen kuwa milki aahaan hay’addu lahayd.



Haddaba Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc), waxa uu ugu baaqayaa kooxaha Boobay hantida hay’adaha Samafalka ee u gargaarayey Shacabka Soomaaliyeed in ay dib ugusoo celiyaan qalabkaas oo dhamaystiran isla maarkaana badqaba, waxaa kaaloo ay ugu baaqaysaa Kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Beledweyne in ay ixtiraamaan Samafalayaasha iyo Hay’adahaba si ay u suurta gasho in la caaawiyo Shacabkaa Tabaalaysan.



Ugu Dambeyntii Guddiga dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomalaiyeed (Sharmoc) waxa uu uga digayaa Kooxaha Dagaalada ka wada guud ahaan Dalka Somalia ee xilli walba ay dhibaato gaarsiinayaan Shacabka aan ku lug lahayn Dagaalada Sokeeye in ay ogaadaan in falalka ay samaynayaan uu yahay mid ka dhan ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida, uuna jiri doono maaalin ay soo hor istaagayaan cadaaladda.


Wabilaahi Towfiiq

Abdurahman Sheikh Hassan

Madaxa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)

Mogadishu, Somalia

Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com

No comments:

Post a Comment