Sunday 29 November 2009

Cambaareynta Culimada lagu dilay Magaalada Baladweyne

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)

Ref: Sharmoc0711009
Date: 29 November 2009
Ujeeddo: Cambaareynta Culimada lagu dilay Magaalada Baladweyne

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu si weyn u cambaareynayaa dilkii dhawaan loogu gaystay Magaalada B/weyne ee Gobalka Hiiraaan laba kamid ah Culimada diinta ee sida weyn looga qadariyo Magaalada mid kalana dhaawac loogu gaystay.

Falkaan oo ka dhacay Masjidka Nuur Xawaad ee Magaalada B/weyne ayaa Culimada la dilay iyo kan la dhaawacayba ay ka wada tirsanaayeen Culimada Ahlusunnah Waljamaaca waxaana dilkaas gaaystay kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garan, markii ay fal dembiyeedka fuliyeenna isla markiiba ka baxsaday goobta, waxayna laba sheikh ku qurbexeen halkii falku ka dhacay.

Ehelada mid kamid ah Culimada la dilay ayaa sheegay in labada sheikh ay horey uga bexeen magaalada markii ay qabsadeen Xoogagga Xisbul Islaam, hase ahaatee loogu baaqay in ay dib ugusoo laabtaan Magaalada Ammaankoodana ay sugi doonaan Ciidanka Xisbul Islaam, waxaana lagu sheegay magacyada labada wadaaad ee dhintay Sheikh Muuse Xafiid iyo Sheikh Mohamed halka uu dhaawacna soo gaaray Khadiibka Masjidka Sheikh Daud Cali.

Falkaan ayaa ah mid kasoo horjeeda Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha Qodobkiisa Saddexaad ee Qeexaya in qof walba uu xaqq u leeyahay in uu ku noolaado Nabad iyo Xoriyad, waxaa sidoo kale falkaan uu liddi ku yahay Diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Somalida, waxaana Guddiga dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc ay ka dalbanayaan Ururka Xisbul Islaam ee ka taliya Magaalada B/weyne in ay soo qabtaaan ciddii ka dambaysay falkaan Caddaaladana ay hor keenaan.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc waxa uu ugu baaqayaa Ururka Xisbul Islaam in ay muujiyaan dadaal ay wax uga qabanayaan falalka Amni darada ah ee welwelka ku abuureysa Shacabka aan hubaysnayn, suurta geliyaana in ay shacabka ku nool guud ahaan gobalka Gaar ahaan Magaalada in ay helaan amni ay ku noolaadaan kuna qabsadaan howl maalmeedkooda.

Wabilaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan
Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc)
Mogadishu, Somalia
Email. sharmoc@yahoo.co.uk, sharmoc@gmail.com

No comments:

Post a Comment