Monday 23 November 2009

Somali Human Rights Monitoring Committee (Sharmoc)

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Somaliyeed (Sharmoc)

Ujeeddo: Warsaxaafadeed.
Ref. 061109
Date: 23/11/2009

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc oo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho in ay Shacabka u turaan

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Somalia (Sharmoc) waxa uu aad uga xunyahay cambaareynayaana dagaalada dib ugasoo cusboonaaday Magaalada Muqdisho kaasoo u dhxeeya Dowladda KMG ah, Amisom iyo Kooxaha Mucaaradka ah kaasoo dhimasho iyo dhaawac xad dhaaf ah ku keenay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen Ilaha Warbaahinta iyo Goobaha Caafimaadkuba waxaa ku nafwaayey dagaalkii Shalay ilaa xalay ka dhacayey Magaalada Muqdisho 26 qof oo rayid ah tira intaas ka bandanna waa ku dhaawacmeen, iyadoo madaafiicdii habowga ahayd ee labada dhinac is dhaafsanayeen ay ku hoobanayeen Guryo ay degan yihiin dad rayid ah.

Dagaalka oo uu ku bilowday Weerar uu qaaday Ururka Xisbul Islaam oo ka biaya diidsanaa fariisin cusub oo Ciidamada Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Kuwa Amisom ka sameysteen Cisbitaalka Digfeer ayaa jawaab celintiisu ahayd mid madaafiic lagu garaacayey Suuqa bakaaraha, iyadoo xilliyadii shalay weerarkii koowaad bilowday ay dadka qaar aad u joogeen Suuqa bakaaraha si ay uga iibsadaan howlaha la xiriira u diyaargarowga Ciidda Carafo.

Somali Human Rights Monitoring Group (Sharmoc) ayaa ku tilmaamaya dagaaladan kuwa masuuliyad darro ah isla markaana ka maran naxariista banii aadamnimo iyo mid islaamnimo, iyadoo aan wax ixtiraam ah la siin bisha Wanaagsan ee Umadda Islaamka iyo somaliduba ay ku guda jiraan, waxaana dhinacyada samaynaya gabood falka ka dhanka Xuquuqda Aadanaha ee laga gaysanayo degaanada ay degan yihiin dadka rayidka ah laga dalbanayaa in ay joojiyaan tacadiyadaas isla markaana ay waddooyin aamin ah u furan Shacabka aan ka tirsanayn dhinacyada Dagaalamaya.

Gabood falka loo gaysanayo dadka rayidka ah iyo ku dagaalanka korkooda ayaa ah mid dhaxalsiin kara dhinacyada dagaalamaya in lala tiigsado Maxkamad Caalami ah si loogu qaado dembi ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, iyadoo dhimashada gaareysa dadka rayidka ah ay tahay mid ka dhan ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha Qodobkiisa 3-aad ee qeexaya in qof walba helaa nabad gelyo iyo xuriyad, Shareecada Islaamka ee Dowrtay Xuquuqda dadka aan dagaalka ku jirin iyo Xeerka Soomaalida ee Birimagaydada.

Dhinaca kale Guddiga dabagalka Xuquuqda aadanaha (Sharmoc) wax laga naxo isla markaana fal ka dhan ah Banii aadamnimada ku tilmaamayaa go’aankii dhawaan Puntland ay ku gaartay in ay dib u celiso qaxootigii kasoo barakacay Gobalada K/Somalia, taasoo khatar weyn ku keeni karta dadkaas haddii ay dib ugu laabtaan halkii ay kasoo bara keceen.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc waxa uu ka dalbanayaa Madaxda Maamulka Puntland, Odayaasha Dhaqanka iyo wax garadka kalaba in ay u istaagaan ka hortegidda Go’aankaan kaasoo abuuri kara dhibaato kale iyo cadaawad hor leh oo dhex marta Umadda Soomaaliyeed ee hatan dhibta ba’ani haysato, sidoo kalana maamulka Puntland waa in ay Amniga gobalka ku sugaan qaab aan dhibaato gelinaynin dadka rayidka.

Wabilaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan
Madaxa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)
Mogadishu, Somalia
Email. sharmoc@yahoo.co.uk,sharmoc@gmail.com
Website:sharmocsom.blogspot.com

No comments:

Post a Comment